|
Askari Dhowaan Afgooye Dhaqtar Ku Toogtay oo Isna maanta La Toogtay |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Sunday, 08 November 2009 |
Askari dhowaan maalin cad naftiisa u oqoonsaday dhaqtar caan ahaa isagoo toogtay ayaa maanta lagu fuluyay dil toogasho ah kaasoo ka dhacay magaalada afgooye kadib codsi ka yimid eheladii dhaqtarku ka dhintay. Askarigan, C/qaadir Maxamed Cabdi ayaa la qisaasy ka dib markii uu dhowaan dil u geestay nin dhaqtar ah gudaha degmada Afgooye. Qisaasta ayaa waxaa ay ka dhacday goob fagaaro ah ee bartamaha degmada Afgooye, halkaasoo ay isugu yimaadeen dadweyne fara badan, waxaana la hadlay sarkaal ka tirsan waaxda garsoorka ee maamulka Xisbul Islaam.
Waxaa Sh. Cusmaan Macalin Siidow uu ku war geliyay bulshada Muslimka ee ku nool gobolkaasi Sh/Hoose in aan jirin cid looga gabanayo ku fulinta Sharciga Islaamka, xittaa hadii uu yahay mas'uul ama askari.
Dilka lagu fuliyay askarigan ayaa waxaa uu ka dambeyay ka dib markii sidaasi ay dalbadeen qoyska uu ka soo jeedo dhaqtarka oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Macalin Aadan todobaadkii horena lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Waa markii ugu horeysay oo ururka Xisbul Islaam fuliyo xukun qisaas ah tan iyo markii ururka la aas aasay.
Dalkanews.com |