Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Banaanbax Ka Dhacay Madrid oo Looga Soo Horjeeday Doon Laga Qabsaday
Paltalk Basic Registration 468x60px
Banaanbax Ka Dhacay Madrid oo Looga Soo Horjeeday Doon Laga Qabsaday PDF Print E-mail
Written by Admin   
Sunday, 08 November 2009
Waxaa maanta magaalada Madrid ka dhacay banaanbax ay isugu soo baxeen dad Spanish ah oo aad iyo aad uga caraysan dad dalkaaasi u dhashay oo dhowaan laga afduubtay xeebaha Soomaaliya iyagoo ka kaluumeysanaya islmarkaana lagala degay doontii oo gudaha loola galay dhulka Soomaaliya.
Burcad badeeddii afduubatay doonta ay saarnaayeen shaqaale muwaadiniin ka ah Spain ayaa mar ay la soo xiriireen qaar ka mid eheladii ay dadkaasi ka dhasheen u sheegeen inaysan soo dayn doonin dadka ay heystaan ilaa laga soo daayo dhowr wiil oo Soomaali ah oo dalka Spain ku xiran loona wado in maxkamad burcadnimo badeednimo loo soo saaro.
 
Sidoo kale, waxa ay isla codsiga ah in la sii daayo dhalinyarta burcadbadeednimada lagu xirtay u sheegeen shirkaddii lahayd doonta ay dhowaan ku qabteen iyadoo ka kaluumeysaneysa xeebaha Soomaaliya.  
 

Dadka maanta mudaaharaadka ugu dibad baxay dhexbartanka magaalada Madrid ayaa ahaa kuwo xamaasadoodu aad u kacsantahay waxa ayna muujinayeen taageero buuxdo oo ay la garab taagnaayeen eheladii dadka la qabsaday ay ka dhasheen.  Gabar ka mid ahayd kuwa banaanbaxa ka qayb qaadanayay ayaa si toos ah u gaarsiisay dadka mudaaharaadayay warka ka soo yeeray burcad badeedka kaasoo ahaa codsigooda in labada wiil ee Soomaali dhaladka ah ee dalka Spain ku xiran in si deg deg ah loo soo daayo taas oo aan lahayn wax ka wadahadal ama xaajood ah.  Sidoo kale, say gabartu sheegtay, ma jiraan wax madaxfurasho ah oo kooxaha markabka heystaa ay soo codsadeen.
 
Wararka maanta ka soo baxaya dalka Spain ayaa sheegaya in Xooghayaha arimaha difaaca dalka Spain. Constantino Méndez, uu ku gacan seyray codsiga ah in la sii daayo dhalinyarta ku xiran dalka Spain ee loo heysto burcad badeednimoda isagoo ku sheegay arinkaa inuu yahay mid aan laga wada xaajoon karin.
 
Doonta barcad badeedu ka qabatay gudaha xeebaha dalka Soomaaliya iyadoo kaluumeysaneysa ayaa waxaa saarnaa shaqaale gaaraya 36 kaluumeyste.
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...