|
Cabudwaaq oo Tababar ugu Dhamaaday Ciidan Ka tirsan Ahlu Sunna |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Saturday, 07 November 2009 |
|
Maanta ayaa waxaa tababur ugu soo afjarmaya degmada Cabudwaaq, ciidan ka tirsan Ahlu Sunna WalJamaaca. Ciidamadaan oo tiradooda la sheegin ayaa halkaa ku tababaranay muddo dhan ilaa seddax bilood iyagoo ku xareysnaa xiro ciidan oo magaalada Cabudwaaq ku taala.
Tababarka ciidamadaan ka tirsan Ahlu Sunna waljamaaca oo maanta usoo dhamaaday ayaa waxaa qarash gareeyay maamulka Ahlu Sunna Waljaamaca ee degmada Cabudwaaq, waa sida ow sheegay mid ka tirsan mas'uuliyiinta maamulkaas.
Waxa uuna intaa ku daray in ciidamadaas lasoo tabaray ay kaalin wayn ka qaadan doonaan amaan sugidda degmooyinka hoos yimaada Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaas oo ku yaal gobolka Galgaduud.
|
|
Last Updated ( Saturday, 07 November 2009 )
|