| Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud |
|
|
|
| Written by Admin | |
| Saturday, 07 November 2009 | |
|
Akhritayaashada qiimaha lahow maanta Barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada waxaanu ku soo qaadan doonaa 20 Su’aaladood, Jawaabahana waxaa dhankiina. Su’aalaha waxay noqon doonaan dhamaan Su’aalaha bilow ilaa iyo meeshii uu inoo maraayey. Hadaba akhritayaal ku soo dhawaada labaatanka Su’aaladood Jimcaha maanta ah.
1-Su’aal sheeg Asxaabigii loo-aqoon jiray turjumaankii Qur’aanka?
2-Su’aal Sheeg Islaamka kahor magacii loo-aqoon jiray C/raxmaan Bin Cawf Rc?
3-Su’aal Sheeg ninkii waqtiga Nebiga (NNKH) noolow Nebinimada sheegtay?
4-Su’aal Sheeg ninkii bilaabay dhismaha Masjidka Al aqsa iyo ninkii dhameystiray?
5-Su’aal Sheeg meeshii ugu horeysay ee Aayad Qur’aanka ku soo degtay?
6-Su’aal Sheeg dhakhtaradii ugu horeysay ee Islaamka?
7-Su’aal Sheeg kalkaalisadii ugu horeysay ee Islaamka?
8-Su’aal Sheeg goorma ayuu bilowday soo degitaanka Qur’aanka Kariimka?
9-Su’aal Sheeg Su’aal Sheeg inta jeer ee suuratul Baqara lagu sheegay magaca Allaah?
10-Su’aal Sheeg magaca Gabadhii naaska la-nuugtay Rasuulkeena (NNKH).
11-Su’aal Sheeg kumaa aas-aasay magaaladda Kuufa oo ku taalla dalka Ciraaq?
12-Su’aal Sheeg magaladda uu ku dhashay Abuu-Bakar Rc?
13-Su’aal Sheeg Asxaabigii baryadiisa Alla aqbali jiray?
14-Su’aal Sheeg Magaca saxda ah ee Nebi Khadar Cs?
15-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu tukaday Rasuulkeena (NNKH)?
16-Su’aal Sheeg Su’aal Sheeg Abuu salama, dagaalkee baa lagu dhaawacay, dagaalkaasow u sabab u ahaa inuu u geeriyoodo mudo badan kadib?
17-Su’aal Sheeg Asxaabtii Nebiga (NNKH) keebaa ugu cimri dheeraa ?
18-Su’aal Sheeg Zubeyr Bin Cawaam Rc kumaa ku dhuftay waranka?
19-Su’aal Sheeg hooyadii Gabdhaha Nebiga (NNKH)?
20-Su’aal Sheeg Asxaabigii ugu horeeyey ee ku dhashay Magaaladda Madiina isagoo Mahaajir ah?
Su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaa u soo qaadanay, Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Dhextaal gaaban….
Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Kuala Lumpur Malaysia…. |
| < Prev | Next > |
|---|
|
||||
|
|||||