|
Booliska oo Ka Hortegay Dhac ay Dableey U Geysanayeen Gaari Siday Mucaawino |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Thursday, 05 November 2009 |
 Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 2 qof ku dhinteen israsaaseyn qaraaran oo dhex martey ciidamada booliska Dowladda KMG ah iyo koox dhac harcad u geysaneysay gaari siday Mucaawino kaasoo marayay Isgoyska Zoobe.
Dagaalkan ay ku qaadeen Ciidanka Booliska kooxda dableey ah ayaa timid kadib markii Gaari kamid ah kolonyo Mucaawino ah oo ka timid dhanka Dekeda Magaalada Muqdisho ay Dhac iyo Boob ugu dhaqaaqeen dableeydu iyadoona la Sheegay in Boolisku si degdegsiimo leh ugu soo gaaray goobtii dhaca ka socday isla markaana una gurmadeen Gaariga ayna israsaaseyni dhexmartay dableydii Dhacawaday.
Co. C/laahi Xasan Bariise, oo ah afhayeenka Ciidanka Booliska DKMG ah, ayaa Shir jaraa’id Saxaafada uu u qabtay ku sheegay in ciidanka amaanka Soomaaliya ahna Booliska ka war heleen Dhac ay Gaari Isjiid ah u geysanayeen Burcad xiran dharka Ciidamada Dowlada isla markaana ay ka soo dhiciyeen Gaarigii kaasoo si dhaqsaha loogu celiyay dadkii lahaa.
Bariise ayaa shaagay in labada qof ee xabadu dishay ahaayeen darawalladii gaariga uuna kamid ahaa Maamulihii Hotel Naaso Hablood ee Magaalada Muqdisho, Axmadey Xuseen.
Isu socodka gaadiidka mara jidka Zoobe ee magaalada Muqdisho iyo weliba kan shacabka degan agagaarkaas ayaa aad u yaraatay intii halkaa ciidamada boolisku ka wadeen howlahooda nabad ilaalinta ee magaalada Muqdisho ka wadaan.
Ciidamada amaanka Soomaaliyeed ayaa baryahaan dambe ku mashquulsan sidii ay uga hortagi lahaayeen dableyda soo kordheysa ee ku qaraabata dareeska booliska kuwaasoo mararka qaar dhac, boob iyo baarasho u geysta shacabka iyo gaadiidka reer Muqdisho.
Dalkanews.com Muqdisho
Video-yo Cusub
|
|
Last Updated ( Thursday, 05 November 2009 )
|