| Culimada Science-ka oo Isku Raacay in Mobeelku Keeno Kansar |
|
|
|
| Written by Admin | |
| Thursday, 05 November 2009 | |
Isticmaalka Mobilka waxey keeni kartaa cudurka dilaaga ah ee Kansarka,waxaa lagu ogaadey baaritaan mudo qaatey oo ay wada sameeyeen Hay´ada Caafimaadka Aduunka WHO iyo qaarka mid ah shirkadaha soo saara Mobilada.
Maahan oo kaliya ku hadalka mobilka ee xitaa qofka had iyo jeer mobilka jeebka gashada oo kuleylka mobilku jirka gaaro uu xitaa khatar yahey bay cadeysey warbixintaan. Warbixintaan oo waqti yar ka hor lasoo bandhigey waxey cadeysey in istimaalka mobilku ay keeni karto 3 nooc oo cudurka kansarka ah,sababtoo ah qalabka laga sameeyo Mobilka oo qaybo jirka kamid ah toos ugu dira signal khatar u ah jirka,
Warbixintaan oo dheer waxaa lagu cadeeyey in signalka aan la arag uu wax weyn u dhimo madaxa isagoo u sii marinaya dhagaha.Warbixintaan oo baaritaankeedu ku baxdey lacag gaareysa 25 milyan oo dolara waxaa lagu cadeyey oo kale in jaaniska qofka isticmaalka badsada Mobilka in kansarkaan ku dhoco uu yahey 50%.
Qaarka mida culumada sayniska oo baaritaankaan ka qayb qaatey waxey soo jeediyeen in lagu khasbo shirkadaha sameeya Mobilada in sida baakadka sigaarka lagu dul dhajiyo ama lagu qoro calaamado sheegaya khatarta uu leeyahey.
kooxda soo saartey baaritaankaan waxey ku taliyeen in sida ugu macquulsan looga dheeraado isticmaalka mobilka,isticmaala fiilada dhagaha la gashado(Handsfree.håndfri) ee laga hadlo kana fogeeya jirkiina Mobilka bay ku taliyeen.
Handfree ga xitaa nooca bloutooth waa laga deyriyey,oo waxaa ka fiican fiilada.
Warbixinta waxaa hoos laga xariiqay xitaa in la iska fogeeyo mobilka marka la seexanayo ha kuu jiro hal mitir markaad seexaneyso bay tiri Dr. Elisabeth Cardis oo hogaamineysey kooxdii baaritaanka sameysey.
XIGASHO: GEESGUUD.COM
Dalkanews.com
Free Phone/voice/video CallsConnect with Thousands ofSomali People All Over the World Make Free Calls to Family and Friends Download Paltalk Free Now! Video-yo CusubVideo: Qudbo Cumar C/Rashiid Sharmarke Ka jeediyay Chattam House ee Uu Caalamka Kaga Digay Waxkaqabad La'aanta Dagaalada Sokeeye ee Soomaaliya: Daawo VIdeo-gan |
|
| Last Updated ( Thursday, 05 November 2009 ) |
| < Prev | Next > |
|---|
|
||||
|
|||||