Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Sarkaal DKMG ahaa Dhowaana Isu Dhiibay Maamulka Islaamiga Jubooyinka oo Kenya Uga Sii Baxsaday
Paltalk Basic Registration 468x60px
Sarkaal DKMG ahaa Dhowaana Isu Dhiibay Maamulka Islaamiga Jubooyinka oo Kenya Uga Sii Baxsaday PDF Print E-mail
Written by Admin   
Thursday, 05 November 2009
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Col Cabbaas Ibraahim Gurey oo ka tirsanaa saraakiishii ka talin jiray Jubbooyinka uu ugudbay dalka Kenya kadib markii uu lug halkaas ku gaaray isagoo ka cararay degmada Baardheere ee ay ku ilaashanayeen maamulka Islaamiga ah ee halkaa ka arrimiya. Sarkaal Soomaali ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Col Cabbaas isku dhiibay ciidamada Kenya ee fariisinta ku leh tuulo ku dhow Baardheere lana yiraah Weelcaday kadib markii uu u adkeysan waayay sida dabajoogga ah ee saanqaadkiisa loogu ilaalinayay magaalada Baardheere.  Korneelka ayaa si dhuumashaal ah gaaray Geriley oo ah tuulo 190 KM u jirta Baardheere waxaana la sheegay in uu xitaa qaadan gaari uu kaga shaqeysan jiray magaaladda Baardheere.
 
Dhamaadkii bisha Oktoobar ayaa Col Cabbaas Ibraahim Guray gaaray degmada Wajeer ee waqooyiga bari Kenya sida wararka ka imaanaya degmadaas Wajeer xaqiijinayaan.
 
Baxsashada Col Cabbaas oo la ogaaday maalmo ka dib ayaa waxaa sida ay wararku sheegayaan uu u adeegsaday lugtiisa oo xili dheer uu ku dhex lugeynayay dhul baadi ah oo gudaha Keynya ah. 
 
Col Cabbaas ayaa dhawaan ka soo goostay ciidamada dawlada ee ku sugan degmada Doolow, waxaana uu xiligaasi magangelyo waydiistay maamulka islaamiga ah ee gobolka Gedo oo u fasaxay in uu ku noolaado degmada Baardheere islamar ahaantaasina ay halkaasi kula socdeen dhaqdhaqaaqiisa. 
 
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu isasa soo dhiibay col Cabbaas ayaa waxaa uu bilaabay in uu iska shaqaysto oo uu ku xamaasho gaari uu lahaa. Hase ahaatee waxaa muuqata in col Cabbaas ay taasi u cuntami weyday oo uu iminka ka door biday inuu xadka ka tilaabo. 
 
Dalkanews.com , Muqdisho
 
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...