| La Yaab: Gabar 18 jir Ah Oo Cunug Ku Dhashay Fasal Gudihiis!!! |
|
|
|
| Written by Admin | |
| Thursday, 05 November 2009 | |
Ardayadan oo dhiganaysay dugsi ku yaalla galbeedka dalka Ugandha ayaa shalay hal mar ah la soo booday fool fasalka dhexdiisa daqiiqado yar ka dib markii uu bilawday imtixaan duruusta cilmiga bulshada ah. Fiona Bbaale, oo la sheegay in ay tahay 18 jir ayaa fasalka dhexdiisa waxa ay ku bilaawday in ay la walbahaarto xanuun deg deg,taasi oo soo jiidatay dareenka kormeerayaasha fasalkaasi oo xiligaasi ilaalinayay habsami u socodka imtixaanka. “Xanuunka ayaa ku soo xaadiray gabadha isla markii ay bilawday in ay wax ku qorto warqada ,taasi ayaa keentay kormeeruhu uu baaro waxa jira ka dibna waxa uu ogaaday in gabadha ay la lahayd Uur ,” sidaas waxaa sheegay Deogratius Byakagaba, oo ah sarkaal waxbarashada ee degmada Masindi .
Ayadoo saaxiibada gabadhan ay iska sii wateen imtixaamka dugsiga Kiryandongo Primary School ayaa Bbaale waxaa loo qaaday isbitaalka Kiryandongo halkaasoo ay ku dhashay gabar .
Umulisadii gabadhaasi cunuga ka dhalisay Jimmy Yiga, ayaa waxa ay sheegtay in gabadha iyo cunugeeda yar ay xaaladooda aad u wanaagsantaha laakiinse Bbaale wali ma haysato waqti fiican oo ay cunugeda ay la raaxaysato waxa ay si deg deg u aaday dugsigii ay dhiganaysay si ay uga qeybqaadato imtixaanka galabta la qorsheeyay ee Englishka ah.Waxana uu cunuga u sii hayn doona kalkaaliyalaal caafimaad inta lagu guda jiro maqnaanshaheeda.
New Vision
Waxaa Turjumay
Max’ed Gaarane
Free Voice and Video CallsConnect with ThousandsOf Somali People all over the World Make Free Calls To Friends and Family Download Paltalk Now Free! |
| < Prev | Next > |
|---|
|
||||
|
|||||