|
Baladawyn oo xalay ku hoyatay bandaw |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Thursday, 05 November 2009 |
|
Magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xalay waxaa ay ku hoyatay bandaw ay kusoop rogeen xoogaga xisbul islaam oo shalay magaaladaasi la wareegay ka dib dagaal ay lagagaleen ciidanka dawladda Soomaaliya
Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Baladawyne ayaa xalay isaga xarooday wadooyinka iyo suuqyada magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiraan ka dib markii uu soo gaaray amar kasoo baxay kooxda xisbul islaam oo ah in ay dadku ku nagaadaan guryahooda.
“xalay ayaa waxaa baabuur lagu rakibay codbaahiyayaal nalakugu sheegay in aan la socon karin oo bandow uu jiro magaalada dhan waa laga xarooday” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Baladwayne.
Saaka ayaa markii uu dhamaaday waqtiga uu ku ekaa amarka bandowga waxaa ay dadku ay bilaabeen in ay qabsadaan hawlahooda waxaana saaka caadi ah ganacsiga iyo isusocodka magaalad Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiran |