|
Xoogaga xisbul islaam oo dib ula wareegay Baladwayne |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Wednesday, 04 November 2009 |
Wararka ka imaanaya magaalada Baladwayne ayaa sheegay in kooxda Xisbul islaam ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baladwayne ee gobalka hiiraan oo dhawaan ay isaga baxeen ka dib markii ay nawaaxiga magaaladaasi kula dagaalameen ciidanka dawlada Soomaalia
Dib ula waeegista Xisbiga ee Baladwayn ayaa ka danbaysay dagaal mudo saacadaa qaatay oo maanta ka dhacay buurta Janta kundisho oo shan kilo mitir dhanka bari ka xigta magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiraan halkaas oo ay saldhig wayn ku lahaayeen ciidanbka dawlada Soomaaliya.
Dagaalkaasi ayaa waxaa uu gaystay geerida ugu yaraan shan ka mid ah kooxihii dagaalamay waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay gudaha iyo hareeraha magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Wararkii ugu danbeeyay waxaa ay sheegayaan in ciidankii dawlada ay gaareen deegaanka Kala Bayr ee gobalka Hiiraan halka ciidanka xisbul islaamna maqribkii caawa lagu arkayay gudaha magaalada Baladwayne iyagoo wata gaadiidka dagaalka.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dawlada dagaalkii saaka ka dib hase ahaatee Muuse Cabdi Caraale oo u hadlay kooxda xisbul islaam ayaa waxaa uu sheegay in ay dileen qaar ka mid ah ciidankii dowlada gaadiid dagaalna ay ka gubeen
Waxii war ah oo kusoo kordha xaaladda dagaal ee magaalada Beledweyne kala soco Dalkanews. |