Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Hooyo Wiilkeeda Afar Sano Warkiisa Maqal Ka Heshay Guantanamo Bay
Paltalk Basic Registration 468x60px
Hooyo Wiilkeeda Afar Sano Warkiisa Maqal Ka Heshay Guantanamo Bay PDF Print E-mail
Written by Admin   
Tuesday, 03 November 2009
 
Hooyo Soomaaliyed oo wiil ay dhashay afar sano ka dib loo sheegay in uu ku xiran yahay xabsiga Guantanamo Bay, Daawo sawarrada hooyada iyo wiilka Xiranba
Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf ayaa maantey saxaafadda u soo bandhigtey sawirrada wiil ay dhashey oo mudo 4 sano iyo bar ah ay la'ayd meel uu jaan iyo cirib dhigay oo iminka loo soo sheegay in uu ku xiran yahay xabsiga Guantanamo Bay.

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf waxaay inoo sheegtay in wiilkeeda la qafaashey sanadkii 2004 waxaayna sheegtey in wiilkeeda la yiraahdo Sheekh Guuled Xasan Duraan ayna ugu war danbeysay sanadkii 2004 bishii feb ka hor intaysan meel u dhow isgoyska Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho ka kaxaystay maleeshiyaadkii hogamiye koxeedyadii xilligaas ku sugnaa magaalada Muqdisho. 
Waxaa wiilkayga laga dhoofiyay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha magalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen hogaamiyeyaashi xilligaasi maamulayay lana magac baxay ladagaalanka Argagixisada.

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf intey inoo warameysay oo dhan si weyn ayay ilimadu uga Qubaneysay waxay noo sheegtay in wiilkeeda uu dhaley shan caruur ah kuwaas oo kala ah 3 gabdho ah iyo 2 wiil. Intii uu xirnaa ayaa caruurtiisa mid ka mid ahna ay geeriyootay.

Hooyo Cadar Maxamed inta ay wareysiga bixineysay ayaa waxaan dareemayney aniga iyo wariyeyaashii kale ee ku booqday hoyga ay ka dagan tahay magaalada Nairobi murugo iyo Tiiraanyo ay qabtey waxayna aad ooga warbixisay sida wiilkeeda uusan wax siyaasad ah ooga qayb qaadan islamarkaana ahaa nin diintiisa jecel iyo dalkiisa una u shaqayn jiray caruurtiisa, oo maanta meel cidla ah daadsan, si gardaraana loo xiray oo in muda ah aan u haysanay in la dilay ayay tiri hooyo Cadar Maxamed Yuusuf oo ka codsatey cida wilkeeda haysata in ay soo cadeyaan sababaha ay wiilkeeda ku haystaan iyo in cadaaladda la horkeenno. Hooyo Cadar Maxamed ayaa ilaahey weydisaneysay in wiilkeeda uu gacanta cadowga haysta ka soo samata bixiyo.

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf waa hooyo soomaaliyed oo ku sugan magaalada nairobi kana soo baxsatey dagaaladii ugu culusaa ee abad ka dhaca casimada soomaaliya ka dib marki ay soo galeen ciidmada Itoobiya waxeyna iminka ku nooshahay magalada nairobi ee dalka kenya, halkaas oo ay kula nooshahay Caruurta wiilkeeda xiran uu dhaley iyo qaar ka mid ah caruurta ay iyadu dhashey.

Hooyo Cadar ayaa Baaq u jeedinayso Haayadaha bisha Cas iyo kuwa ICRC da iyo kuwa u dooda Xuquuqul insaanka in ay wiilkeeda ku soo sheegan wax lagu heesto iyo wixii ay ka qaban karaan sidii uu xorroyaddiisa dib ugu heli lahaaba, maadaama hadalka iyo sawirada laga soo qaaday wiilkeeda oo ay in mudo ahba la'ayd ay ka heshay nin ka mida ha'ayada ICRC oo ku wiilkeeda ku soo booqday Xabsiga Guanatamabay.

Ururkii la magac baxay Argagixisa la dirirka soomaaliya oo ay Madaxda u ahaayeen Hogaamiye kooxedyadii konfurta soomaaliya ka dagaalami jiray ayaa boqolaal dad ah u gacan galiyay maraykanka iyadoo qaarna la dilay, qaar kalena ay ku xiran yihiin xabsiga wayn ee Guanatamabay.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha maraeykanka Brack obama ayaa xiligii uu doorashada uu ku jiray balanqaaday hadii uu ku guulaysto xilka madaxweynimo ee dalkaas uu albaaba ulaabi doono xabsiga wayn ee Mareykanka Guanatanaama bay islamarkaan uu ka soo furi doono dhamaan dadka ku xirxiran ee islaamka ah. Balanqaadkaas ayaa ah balan fashilantay oo ilaa imin aysan waxna ka soo ka naaso cadaan balse ay ahayd hadal uu iskaga sharaxyay Muslimiinta ku maraykanka ah.

Canab Cabdi Axmed
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Nairobi kenya (ALL WERIYE.COM)
Last Updated ( Tuesday, 03 November 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...