|
Xukuumadda Dictatoriga Ethiopia oo Doorasho Kusoo Socoto Xirxirtay Kuwii La Tartami Lahaa |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Tuesday, 03 November 2009 |
Mucaaradka Etoopiya Oo Sheegay In Ku Dhawaad 450 xubnood oo ka tirsan Lagu Xirxiray Dalkaasi Mucaaradka wadanka Ethiopia ayaa sheegay in ku dhawaad 450 oo xubnood oo ka tirsan lagu xixiray dalkaasi etoopiya ka dib markii ay sheegeen in ay u tartamayaan musharaxnimo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi la filayo in ay ka dhacdo bisha May sanadka soo socdo.
Waraaqo cadaymo ah oo ay heshay wakaalada wararka ee Reuters oo ay ka soo xigatay afar xisbi oo kamid ah mucaaradka dalkaasi ayaa waxa ay muujinayeen waqtiga la xirxiray dadkaasi.
Hal Xisbi oo kamid ah xisbiyada dadka laga xirxiray oo loo yaqaano (AEUO), ayaa diwaangeliyay 7 dhacdo oo dilal loo geystay xubnahooda 12kii bilood ee la soo dhaafay .
"qabqabashadan waa in xubnaheena laga horjoogsadaa in ay ka qeybgalaan goorashooyinka s”sidaasi waxaa yiri Gizachew Shiferaw oo ah k/xigeenka hogaamiyaha xisbiga midawga dimoqraadiyada iyo cadaalada (UDJ).waxaana uu intaasi ku daray "tani waxa ay u noqotay qaab- ay ku dhaqmaan xisbiga talada haya oo ranaya . Ethiopia waa dal leh hal xisbi.
 Falanqeyn iyo saadaalin horey loo sameeyay ayaa lagu odorasay in xisbiga talada dalkaasi etoopiya haya ee (EPRDF) uu si fudud ugu guulaysan doono doorashooyinka la qaban doono 2010 laakiin mucaaradka wadanka Etoopiya ayaa ku doodaya in tani ay tahay caburinta iyo dhibaataynta ay dawladu ku hayso xubnahooda.
Masuuliyiinta xukuumada itoopiya ayaa si kulul u beeniyay sheegashadaasi ka timid mucaaradka dalkaasi itoopiya.waxana ay sheegtay itoopiya inaysan jirin cid ay xirxirtay.
Bereket Simon oo ah wasiirka warfaafinta ee dalka itoopiya ayaa yiri"ma jirto qof loo xiray howl dhinaca siyaasada ah inta aan la socdo .waxaana uu intaas ku daray in xukuumadiisu ay samayn doonto baaritaan dheeraad ah oo lagu ogaanayo magacyada ku qoran documentska.
Rueters
Waxaa Turjumay
Maxamed Gaarane Aadan
|
|
Last Updated ( Wednesday, 04 November 2009 )
|