Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Arday Dhowaan Gaari Ku Dilay Malaysia oo La Aasay
Paltalk Basic Registration 468x60px
Arday Dhowaan Gaari Ku Dilay Malaysia oo La Aasay PDF Print E-mail
Written by Admin   
Tuesday, 03 November 2009
Allaha u naxariistee waxaa Magaaladda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ku geeriyooday mid kamid ah Ardayda Soomaaliyadeed ee waxbarashada u joogta dalkaani Malaysia.






Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ceerigaabo ayaa ku geeriyooday Bartamaha Magaaladda Caasimadda ah ee Kuala Lumpur, wararka ayaa waxay sheegaayaan Marxuumka oo socday doonaayana inuu ka gooyo laami uu markaasi kaabiga ku haayay ayaa waxaa si kama' ah u jiiray Gaari aanan ilaa iyo hada la-sheegin nooca uu ahaa, kaasoo darawalkii waday uu meesha ka baxsaday.
Ilaa iyo hada lama oga cidii gaarigaasi wadday iyo waxa uu ahaa, balse Booliska Malaysia ayaa waxay sheegeen iney cadeyn buuxdo soo saari doonaan maalinimada beri oo Arbaca ah.
 
Allaha U Naxariistee Maxamed Ceerigaabo ayaa wuxuu wax ka baran jiray Jaamacadda Unisel oo ku taalla Gobolka Selangor, gobolkaan ayaa daris la ah Magaaladda Caasimadda ah ee Kuala Lumpur.
 
Marxuumka oo markuu geeriyooday kadib la-sheegay in meedkiisii la-geeyey Cisbitaalka Caalimiga ah ee Kuala Lumpur, intii uu meedkiisa yaalay cisbitalka ayaa waxa uu ku soo booqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yusuf Yaasiin oo dhawaan soo gaaray dalkaan Malaysia waa sida ay i sheegeen qaar ka tirsan asxaabtii Marxuumka. Maxamed Ceerigaabo ayaa waxaa lagu aasay Caasimadda Malaysia.
Waxaana aaskiisa goobjoog ka ahaa Madaxda Jaaliyadda Soomaliyadeed ee dalkaan Malaysia, Sida Gudoomiyaha Jaaliyadda DR Maxamed Cabaas, Xoghaye Jaaliyadda Maxamuud Beene Beene, Madaxa Shirkadda Dahab Shiil ee xaruunteeda Malaysia Mudane Cabdi Khadar, Madaxda Jaamacadda Unisel uu Ardayga wax ka baran jiray iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ardaydaba.
 
 
 
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
Dalkanews.com, Kuala Lumpur Malaysia….
Last Updated ( Tuesday, 03 November 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...