|
Alshabaab oo Sheegtay inay dagaal ku dileen afar askari oo ciidamada Dowladda KMG ka tirsan. |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Saturday, 31 October 2009 |
|
Ka dib dagaallo maanta duhurkii ka dhacay deegaano ka mid ah degmada Dabdhuure ee Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidanda Dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda gaar ahaa ururka Alshabaab ayaa ururka Alshabaab ku sheegteen inay guulo ka gaareen.
Dagaalladan oo ahaa kuwo bilaawday maanta barqanimadii kana dhacay gobolka Bakol ayaa haa mid ay hubka nuucyadiisa kala duwan isku waydaarsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab iyadoo ay hubkaas isku weydaarsadeen degmada Yeed. Dagaalkaas ayaa ah mid geystay qasaaro xoog leh oo keenay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.
Sidoo kale, Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaas kaga itaal roonaatay ciidamada dowladda KMG ah iyadoo sida ay warbaahinta u sheegeen ka dilay ciidamada Dowladda afar askari.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan AlShabaabka idaacada iyo warbaahinta qadka taleefanka kula xiriiray iyagoo sheegeen in guulo ay ka gaareen dagaalkaasi islamarkaana ciidamadii dowladda ay jab xoogan gaarsiiyeen.
Ma jiraan wax warar ah dagaalkaas ku saabsan oo ay kasoo saartay dowladda KMG ah, hase ahaatee waxaa goor ku dhow waqtigii dagaalkaasi ka socday degmada Sh. Cabdalla oo ku dhow Yeed sidoo kale ka dhacay dagaal degmooyin ka tirsan gobolka banaadir siiba Yaaqshiid iyo Boondheere. Lama oga in labada dagaal ay yihiin kuwo isla saanqaad u dhacaayay.
Dalkanews.com, Muqdisho
|
|
Last Updated ( Saturday, 31 October 2009 )
|