|
Dagaal iyo Duqaymo dib uga Bilaawday Yaaqshiid, Shibis iyo Boondheere |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Saturday, 31 October 2009 |
Dagaallo hor leh oo la isu adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa maanta dib uga bilaawday qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasoo keenay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba.
Duhurkii maanta ayaa duqayn xoogan ka dhacday degmooyinka Boondheere, Yaaqshiid iyo Shibis iyadoo ay duqayntaasi u badneed xaafadda Sance ee magaalada Muqdisho.
Wararka ka soo baxaya maanta Magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in duqeyntaasi la xariirto dagaal dhex maray ciidamada Dowladda KMG iyo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ku ah.
Dadka deegaannada dagaallada iyo duqaymaha ka dheceen ayaa Dalkanews u xaqiijiyay in ugu yaraan 2 qof oo shacab ah ku geeriydeen duqayntaas halka ilaa 5 kalena dhaawac ka soo gaaray.
Dagaallada ka dhacaya Muqdisho ayaa ah kuwa tixano ah iyagoo mudooyinkii ugu dambeeyay si aan ka kaafsi lahayn ugu soo laablaabanayay xaafadaha Yaaqshiid, shibis iyo Boondheere taaso keentay dhibaatooyin iyo barakac ku yimaada dadka degmooyinkaas ku nool.
Dalkanews, Muqdisho
|