|
Xasan Daahir Aways oo Xasilooni la'aanta Muqdisho Ku eedeeyay AMISOM |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Saturday, 31 October 2009 |
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa shalay ugu qudbeeyay muslimiinta ku dukatay masaajidka Abaahurayra shalay salaaddii Jimacaha. Xasan Daahir oo qudbad jimcaadkii u bedelay warsaxaafadeed kula sheegay qudbadaas in ciidamada Midowga Africa ee jooga Muqdisho in ay dhib ku hayaan dadka reer Muqdisho
Xasan daahir Aways ayaa qudbadaas ku sheegay in si soo noqnosho leh oo sabab la'aan ah ay ku duqeeyaan Suuqa wayn ee Bakaaraha kaasoo ah halbowlaha iyo xarunta ugu wayn magaalada Muqdisho ee ganacsiga ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbul Islaamka, Xasan Daahir aweys waxa uu intaasi raaciyay in dalalka shisheeye dadka Soomaaliyeed u ogoleyn inay nabad ku noolaadaan laguna dhaqo shareecada, sidaas darteedna uu had iyo goor u taagan yahay ladagaalanka reer galbeedka iyo agandhahooda.
Qudbadan ee uu hogaamiyaha Xisbul Islaam ka bixiyay masaajidka Abuuhurayra ayaa ku soo aadeysa xilli uu colaad iyo dagaalo soo noqnoqosha badan dhex marayo Xisbul Islaam iyo ururka Alshabaab oo labaduba ku mideysnaa la dagaalanka Dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM.
|
|
Last Updated ( Saturday, 31 October 2009 )
|