|
Colaad laga dareemayo Tiyeeglow, Bakool kadib Markii Xisbul Islaam iyo Alshabaab Xalay isku Dagaalee |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Saturday, 31 October 2009 |
|
Maanta ayaa xiisado colaadeed ka taagantahay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool kadib markii xalay dagaal joojyay dhaq dhaqaaqa magaalada iyo nolol maalmeedka shacabkaba dhexmaray ururrada Alshabaab iyo Xisbul Islaam.
Dagaalka oo sababay dhimasho hal qof oo shacab ah iyadoo in ka badan 5 qofoodna ay ku dhaawacmeen sida wararku sheegayaan kadib markii dagaalkaas socday seddax saacadood la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa ah mid ku saleysan Khilafkii ayamahan dambe u dhexeeyay laba dhinac ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam. Sida ka jirta degmooyin badan oo ay labada dhinac wada deganyihiin ayaa dadka reer Tiyeeglow haatan ku jiraan cabsi ay ka baqayaan soo laablaabashada dagaalka maadaama ay weli kooxahaas dhufeys isugu jiraan oo aanay cid kala dhex geli karta inkastoo jiraan dadaallo odayaasha iyo waxgaradka degmadaas u wadaan sidii ay dagaalka ku joojin lahaayeen..
Dalkanews.com
|
|
Last Updated ( Saturday, 31 October 2009 )
|