Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Beesha Absame oo wacad ku martay iney Puntland kaga aar gudan doonto Dal iyo Dibadba...
Paltalk Basic Registration 468x60px
Beesha Absame oo wacad ku martay iney Puntland kaga aar gudan doonto Dal iyo Dibadba... PDF Print E-mail
Written by dalka1   
Friday, 30 October 2009

Waayadan danbe waxaa soo cusboonaadey nooc cusub oo ah ka ganacsiga dadka gaar ahaan somalida Ogadeeniya kaas oo waji cusub leh. Taariikh-da dadka madow ayaa waxaa ka mid ah ka ganac-sigii dadka madow taas oo dadka ka ganacsan jirey ay ahaayeen caddaan reer Yurub ah oo aan ehelnimo iyo diin isku xiriirin jirin balse maanta meelo badan oo Somaliya ka mid ah gaar ahaan Maamul PuntLand waxaa badeeco qaali ah u noqdey in shacabka Somalida Ogaden oo gumeysiga ay is hayaan loo gacan galiyo.

Waxaa wax Islam-nimada iyo Somalinimada iyo darisnimada intaba ka baxsan ah in qof aad sheegeyso inaad wada dhalateen haddana cadowgii uu ka soo cararey aad dib ugu gacan galiso oo ah arrimaha uu maamulka PuntLand maalmahan dhaqanka ka dhigtey taasoo ka soo horjeeda qawaaniinta xuquuqal insaanka ee ku xusan Dastuurka Qaramada Midoobey. Meesha waxgaradkii, culamaa’udiinkii iyo Isamadii ay noqdeen mid ka aamusey iyo mid u hanbalyeynaya.

Dhacdooyinkan soo noqnoqdey ee Maamulka PuntLand ku kacayo ma aha mid been abuur ah balse waa mid caddeymaheeda iyo markhaatigeeda leh oo inta badan qirteen, waxaana ugu danbeeyey shanta wiil ee reer Ogadeniya ah ee wayaanuhu xabsiyada Boosaasoo ku qaawiyey sawiradana kaga qaatey sidii Abu-qareybkii ciraaq, madaxoodiina gacanta wayaanaha lagu wareejiyey.

Waxaa ka horeeyey labadii wiil ee suuqa Gaalkacyo baritankiisa lagu ugaarsaday ee midna meyd ahaan isagoo gawracan looga tagay midkii kalena aan laheynin meydkiisii si eheladiisii si wanaagsan ay ugu aasato. Waxaa ka horeeyey Wiilki suuqa Boosaaso lagu toogtay, ka dibna dad boqol kor u dhaafaya oo qaxooti ah loo xirxiray si arinta qiiq loogu qariyo. Waxaa ka horeeyey tii Garoowe ee Dhiirre Caafi iyo Cabdi-nur Sooyaan wayaanaha gacanta loogu galiyey.

Waxaa jira dhacdooyin waxyeelooyin oo aan halkan lagu soo koobi karin oo waxyeelo dad badan loo gaystay. Dhacdooyinkaas oo dhan intii Maamulka PuntLand ee uu ugu dambeeyo maamulka Cabdiraxmaan Faroole ay kula kacayeen shacabka Soomaalida Ogadeeniya wuu ka sii jeedey isaga oo dulqaad doorbidey tixgalinayeyna ehelinimada, darisnimada, Islam-nimada iyo Soomalinimada balse waxaa cadaatey iney u fasirteen dulqaadkii shacabka reer Ogadeeniya dad aan dareen laheyn kana danqan heynin xumaanta loo geysanayo.

Arrintani waxay keentey in Cabdiraxmaan Faroole si bareer ah ugu dhawaaqo in shacabka Soomaalida Ogadeeniya aysan aheyn Soomali isaguna uu yahey ruuxa qeexaya yaa Soomaali ah yaase ahayn. Balse waxaan leenahay haddaan nahay waxgaradkii iyo cuqaashii Somali Ogadenya ee Waqooyiga Amerika Go’aanka uu qaatay Maamulka Puntland ee Cabdiraxmaan Faroole oo ah cadaawada aan geedna loogu soo gaban lidigana ku ah shacabka Soomaalida Ogaadeeniya, Colaaddaas uu qaatey Cabdiraxmaan Faroole iyo maamulkiisa ayaa inoo wada go’aan ah.

Cid aan dhul laheyn Soomaali ma jirto Cid aan dhulkeeda la dhex dageyneyna majirto beesha Absamana waa tan markii aan Soomaali nahay ugu dhul balaaran ha noqoto Soomaaliya, hanoqoto Waqooyiga Bari ee Kenya iyo Ogaadeeniya intabana bulsho u nasab sheegta qoyska Cabdiraxmaan Faroole waa laga helayaa. Hadaba, dhibaatada ka timaada ficilada xumaanta iyo naca xambaarsan waxaa dhabarka u ridan doona Maamulka PuntLand ee uu madaxda ka yahay Cabdiraxmaan Faroole. Iskusoo wada-duuboo waxaan ugu baaqeynaa Bulshada Soomaalida Ogaadeenya: Ee degan ama ganacsi ku leh Degaanada Puntland iney si dhekhso ah uga xero gedistaan degaanka Puntand.

Iney hantidoodana uga daldashaan meelo kale, xataa haddii ay dantu ku qasabto iney ku noqdaan dalkoodii iyo gumeysigii ay ka soo carareen markii hore.
“Maanta laga bilaabo xiriirka ganacsiga ee naga dhaxeeya waanu jarnay, waxaana ugu baaqeynaa beesha Absame oo dhami iney go’aan si-cad ah u meel mariyaan”

Qoraalkan waxaa soo saarey Ugaasyada, Suldaamada iyo Caaqillada Beesha Absame ee Waqooyiga Amerika.

Ugas Muxumed Cunshur
Ugas Muuse Sheikh Maxamed
Caqil Yusuf Gamadiid Shuriye
Caqil Xuseen Cabdiraxman Axmed
Caqil Xasan Qaloonbi Cisman
Suldan Xasan Tukri Xuseen
Caqil Maxamed Cumar Aden
Caqil Cabdiqani Sheikh Axmed
Caqil Axmednur Maxamed Xiirey
Caqil Maxamed Axmed Cabdulle
Caqil Ibrahim Sheikh Maxamed
Xaji Cabdullahi Xasan Khaliif
Dr. Cabdirisaq Maxamed Faliidh
Caqil Yusuf Dhammow
Caqil Cadullahi Wiil Yare
Caqil Cabdikarim Muxumed Xaji
Eng. Axmed Ugas Maxamed Ugas Cabdi
Eng. Cabdulahi Ugas Muxumed Qani
Caqil Cali Yarow Farax
Mudane Cabdi Cadood Geelle
Mudane Cabdi Xasan Axmed
Caqil Maxamed A. Cabdi
Caqil Garaad Maax Maxamed
Mudane Cumar Maxamed Aden
Ugas Cali Cabdi Yusuf
Mudane Cabdi Adan Cabdi
Dr. Cabdinasir Maxamed
Mudane Cabdinasir Hirsi Axmed
Caqil Xasan Cabdi Hudle
Ugas Nur Ugas Cali Abshir
Mudane Yusuf Axmed
Mudane Axmed Iiman Cabdiraxman
Mudane Ismaciil Cabdullahi Barkhadle
Caqil Farax Hudle
Caqil Maxamed Xashi Dhere (Gacamey)
Mudane Cabdulahi Gurey
Caqil Axmed Ismaciil Maxamed
Mudane Axmed Cabdi Hudle
Mudane Dahir Axmed Cabdi
Caqil Maxamed Axmed dahir
Dr. Cabdi-casis Ugas Maxamed

maxamed ( This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it )

Last Updated ( Friday, 30 October 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...