Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud 41-aad
Paltalk Basic Registration 468x60px
Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud 41-aad PDF Print E-mail
Written by dalka1   
Friday, 30 October 2009
Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.
1-Su’aal Sheeg Tirada Gaaladdii lagu dilay dagaalkii Beder?
1-Jawab: Waxa lagu dilay 70 Gaalo.

2-Su’aal Sheeg Tirada gaaladdii lagu qabtay dagaalkii Beder?
2-Jawab: Waxa lagu qabtay 70 gaalo.
3-Su’aal Sheeg Magaca Khaalib Bin Waliid Hooyaddii?
3-Jawab: Waxa weye Lasmaa Bintu Xaaris.
4-Su’aal Sheeg Magaca C/laahi Binu Makhtuum Hooyaddii?
4-Jawab: Waxa weye Caatika.
5-Su’aal Sheeg Afartii Khulaa’u raashidiin labadii uu Rasuulka (NNKH) Sodoga u ahaa?
5-Jawab: Waxaa weye Cusmaan Bin Cafaan Rc iyo Cali Bin Abii Daalib Rc.
6-Su’aal Sheeg dagaalkii ugu qarashka badnaa ee Adduunka ka dhaca?
6-Jawab: Waa dagaalkii labaad ee Adduunka.
7-Su’aal Sheeg dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee Adduunka ka dhaca?
7-Jawab: Waa dagaalkii labaad ee Adduunka.
8-Su’aal Sheeg Anwar Sadaad magaciisa oo seddexan?
8-Jawab: Waxa weye Maxamed Anwar Al Sadat.
9-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Anwar Sadaad?
9-Jawab: Wuxu dhashay 25 desembar 1918.
10-Su’aal Sheeg goorma ayuu Anwar Sadaad noqday Madaxweynaha dalka Masar?
10-Jawab: Wuxu noqday 1970-kii.
11-Su’aal Sheeg imisa sano ayuu Anwar Sadaad Madaxweyne ka ahaa dalka Masar?
11-Jawab: 11 sano ayuu madaxweyne ka ahaa.
12-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-dilay Anwar Sadaad?
12-Jawab: Waxaa la-dilay 6 oktobar 1981-kii

Dhex-gaaban….

Dib-u xuusin iyo raali gelin.
Haddii aan dib idin xusuusino Su’aalihii aanu soo deynay todobaadkii hore Su’aal kamid ah, taasoo aheyd Su’aal Sheeg C/laahi Binu Xudaafa Rc sanadkii uu la-kulmay Boqorkii Qaysar? Jawaabtu waxaanu ku sheegnay iney tahay sanadkii 9-aad ee hijriyadda. Hadaba jawaabtu sidaa maaha oo waxaa weeye sanadkii 19-aad ee Hijriyadda. inkastoo dadka barnaamijkaan qoraaya ay yihiin dad Insaan ah, Insaan micnihiisuna gaf. Ama qalad ama halmaam. Kaliya waxan ka tagtay nambarka ah 1. kaasoo aanu ilduufnay, mar kale akhristayaal ka raali ahaada.

Ogeysiis.

Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah.

Haddii aan dib idin xusuusino lix-dii Su’aaladood ee aan idin-weydiinay jimcihii la-soo dhaafay waxay kala ahaayeen”
1-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu Tukaday Nebiga (NNKH)?
2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay C/laahi Bin Cabaas RC?
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
4-Su’aal Sheeg halkee buu-ku aasan yahay Sheekh Yusuf Al kowneyn?
5-Su’aal Sheeg waa imisa Culeyks Maskaxda Bili’aadamka?
6-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Bisada (yaan-yuurta).
Jawaabaha waxay kala yihiin”.
1-Jawab: Waa Salaadda Duhur.
2-Jawab: Wuxu dhashay Seddex sano kahor Hijriyadda.
3-Jawab: Asxaabigaas waxaa weeye Abuu Cubeydah Caamir Bin Jaraax Rc.
4-Jawab: Tuuladda Aw-Barkhadle oo u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera.
5-Jawab: Waxa weeye hal kiilo iyo bar (1.5kg).
6-Jawab: Waa 30 garaam (30gr).

Akhristayashayada qiimaha iyo qaayaha lahow ku soo dhawaada lix-dii Su'aaladood iyo jimcaha soo socda. Adingoo isticmaalaaya maskax degan, waayo Su'aalaha aan idin weydiin doono waxay la-socdeen casharadii hore.

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii weynee ee Jaabir Bin C/laahi xagee buu ku dhashay?
2-Su’aal Sheeg Nebiga (NNKH) Markii uu geeriyoonaayey Anas Bin Malik imisa jir buu ahaa?
3-Su’aal Sheg Imaam Xaniifa imisa Asxaabi ayuu la kulmay?
4-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda lo’da?
5-Su’aal Sheeg waa imisa caleyks maskaxda daanyeerka?
6-Su’aal Sheeg qarashkii ku baxay dagaalkii koowaad ee Dunida?Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Kuala Lumpur Malaysia….

Last Updated ( Friday, 30 October 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...