Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Dhalinyar Lug Ku Gaartay S. Africa oo Xuduudda Lagu Qabtay Xabsi La Dhigay - Qiso Cajiib Ah.
Paltalk Basic Registration 468x60px
Dhalinyar Lug Ku Gaartay S. Africa oo Xuduudda Lagu Qabtay Xabsi La Dhigay - Qiso Cajiib Ah. PDF Print E-mail
Written by Admin   
Thursday, 29 October 2009
Dhalinyaro soomaaliyeed oo gaarayo 19 qofood ayaa 29kii october soo gaaray xuduudka u dhexeeyo dalaka S. Africa iyo dalka Mosampique iyagoo, sida la sheegay, lug ku soo galay xadka dalka k.africa la geeyay xabsi.
Dhalinyaradan oo muda badan soo lugeynayay ayaa riyadoodii ahayd inay inay ku nastaan dalka Koonfur Afrika loogu badalay in xabsi la dhigo, kadib markii ay booliska dalka k/Africa ku qabteen xadkii  Xuduudda dalkaas.
 
Dhalinyadaas, oo da'dooda lagu tahay inta u dhexeyso 25 sano ila 13 sano jir, ayaa mar la wareystay sheegeen in ay muddadii ay soo lugeynayeen dhalinyar badan oo la socotay ka hareen, qaar kalena dhumeen jidkii ku dhimeen.
 
Dhalinyaradaan ayaa lagu qabtay xadka loo yaqaano Limbobo oo u dhexeeyo magaalooyinka johansberg iyo Mambuuto oo ku kala yaalo dalka Mosampique iyo k.Africa. Markii ay soo gaareen magaalada Johansberg ayaa ay booliska uga war bixiyeen safarkoodii.
 
 
Sida ay dhalinyartan sheegeen, waxa ay socod dheer ka soo bilaabeen dalka Soomaaliya iyagoo 8 maalmood ku soo gaaray Kenya.  Kadibna, waxa ay soo aadeen dhanka Mosampique una socdeen mudo dhan 19 maalmood.  Mosampique iyo Kenya waxaa u dhexeeya Tanzania oo sida cad ay soo dhex jeexeen.  Mosampique iyo k/africana waxay usoo socdeen afar maalmood waa sida ay hadalka u sheegeen.
 
Ayagoo ugu danbeyntii socodkoodii ku yimid cirifka Africa taasoo ah qaarad aad u weyn ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay soomaaliya iyo k/ Africa isku jiraan masaafo dhan 33000km.
 
Si kastaba ha ahaatee dadkan ayaa booliska S.Africa waxa ay ku soo dhoweeyeen xabsi inkastoo ay iyagu raadinayeen magangalyo iyo aqoonsi qaxootinimo maadama dalkoodii ka jiraan dhibaatooyinka keenay inay kasoo qaxaan.  
 
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo dowladda K. Afrika kasoo saartay lamana oga waxa ay dowlada K. Africa ka yeeli doondo qaxootigan Soomaaliyeed ee dalkooda si sharci darro ah lug kusoo galay.  Hase ahaatee waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo dib ugu celin doonaan Soomaaliya ama u  fasixi doonaan dhalinyartaas qaxootiga ah inay ku noolaadaan dalka S. Afrika..
 
 
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...