|
Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ku dhawaaqay in ay ku howlan yihiin maamul u sameynta deegaanada ay gaca |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Sunday, 25 October 2009 |
|
Culumaa'udiinka Ahlusuna wal-jameeca ee gacanta ku haya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshayaal ay maamul ugu sameynayaan,iyadoo tijaabadii u horeysay ee maamul dhisada ka bilaabatay degmada Guriceel.
Afhayeeka Culumaa'udiika Ahlusuna shiikh C/laahi C/raxmaan Abuu yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay in maamul dadka deegaanka ay si xor u doorteen ay ka dhisayaan deegaanada ay maamulaan,kaasoo uu sheegay in ay tahay mid cadaalad loogu simay dadka deegaanka.
"Maamulada aan ku howlanahay waa mid dadka ay soo dooranayaan, dadka deegaanka ayaa madax u noqon doonaa"ayuu yiri Abuu Yuusuf oo sheegay in maamulka deegaanada ay yihiin mid 21-xubnood ah oo Culumaa'udiinka Ahlusuna ay ku leeyihii saddex xubnood kaliya inta kalena ay yihiin dadka deegaanka.
Munaasabad ka dhacday Hoyga Ugaaska beesha Cayr Ugaas xasan ugaas maxamed,halkaasoo lagu doortay gudoomiyaha cusub ee maamulka degmada Guriceel ninka lagu magacaabo Cismaan ciise nuur oo ahaa ganacsade deegaanka caan ka ahaa.
Tan iyo markii culumaa'udiinka Ahlusuna la wareegeen inta badan deegaanada gobolada dhexe ayaa ahaa mid kla jiray maamul Kmg ah oo dhinaca nabadgalyada qaabilsanaa,iyadoo maamul u sameyntan cusub wax badan ka badali karto hanaanka maamul ee deegaanada gobolada dhexe.
|