|
Shiikh Xasan Yacquub "Hadalka Cumar C/rashiid waa riwaayad, |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Sunday, 25 October 2009 |
Afhayeenka maamulka islaamiga Kismaayo Shiikh xasan yacquub ayaa naqdiyay hadalkii goodinta ahaa ee ka soo yeeray R/wasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid, kaasoo ahaa in ay la wareegayaan gobolada koofureed ee soomaaliya.
Shiikh Xasan yacquub ayaa ku tilmaamay hadalka R/wasaaraha mid hiwaayad ah,isagoo sheegay in dowladda qudheeda ay ka muuqato itaal dari aad u weyn.
"Hadalka Cumar C/rashiid waa hiwaayad, ciidamo kasta oo dowladda loo soo tababar ma soo haweysan karaan taako ka mid ah K/Soomaaliya"ayuu si kulul u yiri Xasan yacquub oo sheegay in deegaanada ay maamulaan dadka ku diirsadaan nabada iyo kala dambeynta.
Waxaa uu sheegay in ciidamada lagu soo tababarayo dalalka Kenya, iyo kuwa kale ay iska caabin doonaan ayna mari doonaan halkii ay mareen kuwii hore.
"Iska daaye inay ciidamadaas tababarka soo dhameystaan,waxaaba aan cadaadin doonaan kuwa taangiyada dul saaran ee magangalyada ka dhiganaya"ayuu yiri Shiikh xasan Yacquub oo intaa ku daray in ay u dajinayaan Ciidamada Amisom qorshe dagaalkooda lagu ballaarinayo.
R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid sharmaarke ayaa ka sheegay magaalada Nairobi in dowladda ay dhowaan hiigsan doonto himilooyinkeeda,waxaana uu wacad ku maray in ciidamada dowladda loo tababarayo la wareegi doonaan inta badan gobolada dalka ee ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaradka
|
|
Last Updated ( Sunday, 25 October 2009 )
|