|
Saraakiishii Maxkamadihii kala tagay ee Gobolka Hiiraan oo mid mid loo siibayo |
|
|
|
|
Written by Admin
|
|
Sunday, 25 October 2009 |
Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa maamulkii maxkamadihii islaamka gobolka Hiiraan ee kala tagay, xilli uu gaari uu gacantiisa ku watay kala yimid gobolka Hiiraan.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Geedi ayaa horay u ahaa taliyaha amaanka ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga gobolka Hiiran, waxaana lagu dilay deegaanka Suuqa xoolaha xilli uu doonayey in uu galo magaalada Muqdisho.
Lama yaqaano kooxaha dilka geystay iyo sababta ay u dileen hase yeeshee kooxaha dilka geystay ayaa ka qaatay gaarigii uu watay oo uu kala yimid shalay degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee maamulka Xizbul Islaam Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka naxeen dilka Cali Geedi waxaana uu tibaaxay in ay socdaan baaritaano ay wadaan Xizbul islaam kaas oo ay ku ogaanayaan cida ka dambeysay dilka xalay loo geystay sarkaalkan.
"Walahi runtii dilkaas aad baa uga naxnay, wuxuu ahaa nin oday ah oo halgankii lagula dagaalamayay Itoobiyaanka ka qeyb qaatay, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Maxkamadaha ee gobolka ee markii dambe go'aansaday inay dowladda ka baxaan"ayuu yiri Shiikh Macow oo intaa ku daray in markii uu ka baxay dowladda aanu la shaqeyn Xizbul Islaam.
Waxaa bilooyinki dhawaa jiray dilal qorsheysan oo loo geysanayey saraakiishii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ah, sidoo kale waxaa jiray dilal gaadma ah oo loo geystay saraakiil ka tirsan ururka Xizbul Islaam,kaasoo aan la ogeyn kooxaha ka dambeeyay,
|
|
Last Updated ( Sunday, 25 October 2009 )
|