Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Shabaabka Marka oo goor dhow xukun dil ku fuliyay labo dhalinyaro ay ku eedeeyeen Basaasiin
Paltalk Basic Registration 468x60px
Shabaabka Marka oo goor dhow xukun dil ku fuliyay labo dhalinyaro ay ku eedeeyeen Basaasiin PDF Print E-mail
Written by Admin   
Sunday, 25 October 2009
Warar goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maamulka Islaamiga ah ee ka arrimiya Marka isla markaana hoostaga Al Shabaab ay goob fagaara ah ku toogteen laba wiil oo dhalinyara ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen rag basaas ah.
Falka toogashada ah ayaa ka danbeeyey kadib markii maxkamada Islaamiga ah ee magaalada Marka ay ku riday xukun dil ah labadan wiil marki ay Maxkamadu ku heshay falal jaasuusnimada ah sida uu ka hor aqriyey goobta la toogtay Garsooraha Maxkamada magaalada Marka.
 
Labada dhalinyaro ee maanta lagu fuliyey xukunka dilka ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Xuseen Axmed iyo Xuseen Aba Cali waxaana ay ka mid ahaayeen dhalinyaro ka soo jeeda gobolka Sh/hoose.
 
Waa amarki ugu horeysay oo ay fuliyaan maamulka magaalada Marka ee Xarakada Al Shabaab xukun dil ah,inkastoo ay fuliyeen xukuno kala duwan sida karbaash iyo xadad kale oo lagu fuliyey dad galay danbiyo.
 
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale labo dhalinyaro ay ku eedeeyee Shabaab inay u jaajuusayeen dhinacyada ka soo horjeeda ay ku dileen magaalada Muqdisho
 
Maamulada Islaamiga ah ee hoos taga AlsShabab ee ka dhisan gobollada Koonfured ee Somalia ayaa bilooyinki lasoo dhaafay fuliyey xukuno kala duwan sida Qisaas,xad afoon dad Zino lagu qabtay,Gacmo iyo lugo goyn iyo garbaashid taasoo Xarakada Al Shabaab ay sheegeen in ay u cuskadeen waafajinta diinta Islaamka.
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...