Dowladda soomaaliya ayaa dib u howl gelisay idaacadii hore ee Radio Muqdisho taasoo si rasmi ah hawada u soo gashay shalay kadib muddo sanado ah markii ay ka maqneyd dhagaha dadka reer Muqdisho.
Raadiyahan oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya ayaa ah mid FM ah oo si xoog leh loogaga maqli karo magaalada Muqdisho iyo degmooyinka u dhow dhow waxaana haatan ka baxaya barnaamijyo u badan wareysi lala yeelanayo Madaxda dowladda soomaaliya iyo heeso wadani ah.
Wasiiraka warfaafinta dowladda soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa hadalo ku furay idaacada Radio Muqdisho isaga oo sheegay in idaacadan ay ku hadli doonto codka shacabka Soomaaliyeed iyo kan dowladda kmg sida uu hadalka u dhigay.
"Idaacada waxay u shaqeyn doonaa shacabka ma noqon doonto idaacad dana gaar ah ka shaqeysa sida idaacadaha ka jira Muqdisho ee waxa ay noqon doontaa idaacad ku shaaqeyn doonto afkaaro iyo danaha shacabka"ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
Sidoo kale dadkii ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Ku simaha R/wasaaraha ahna Wasiirka kaluumeysiga Prof. C/raxman Ibbi oo sheegay in idaacadu ay noqon doonto mid dhex dhexaad ah isla markaana ay cod ku yeelan doonaan xitaa kooxaha mucaaradka hadii buu yiri ay ka hadlayaan wax macquul ah sida uu hadalka u dhigay.
Mas'uuliyiinta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Sheekh Axmed C/llahi Fanax oo mar u soo shaqeeyey Idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho, C/raxiim Ciise Caddow oo dadka Muqdisho ay si aad ah u yaqaanaan kaasoo ahaan jiray afhayeenkii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Idaacada Radio Muqdisho oo ku dhex taala madaxtooyada Villa Somalia ayaa ahaan jirtay idaacada Qaran Soomaaliyeed waagii bari samaadkii, mudooyinki dambe waxaa ay soo martay siyaasado kala duwan, mar waxay ku soo shaqeysay magaca Codka Shacabka iyadoo xilligaasina ku hadli jirtay siyaasada Generaal Ceydiid, waxaa sidoo kale la wareegay wiilkiisa Xuseen Ceydiid, afarti sano ee lasoo dhaafay maqalkeedu wuu gaabnaa waxaana ay ku ekeyd degmada Xamar Weyne inkasto ay joogeen shaqaale iyo wariyeyaal.
Haatan waa la xoojiyey oo dowladda soomaaliya ayaa qalabeysay,waxaana ka shaqeeya wariyeyaal caan ka ah Muqdisho oo u badan kuwii dhawaan ku dhawaaqay in ay shaqada ka tageen, wariyaasha codkooda laga maqlayo maanta waxaa ka mid ah Maxamed C/llaahi Xaji oo ahaan jiray wariye ka tirsanaa Radio Shabelle iyo C/casiis Africa oo ahaa tifaftirihii Idaacada Codka Nabada.
|