Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Madaxweyne Shariif oo xil ka xayuubintii ugu ballaarneyd ku sameynaya xubnaha beeshiisa dowladda ka
Paltalk Basic Registration 468x60px
Madaxweyne Shariif oo xil ka xayuubintii ugu ballaarneyd ku sameynaya xubnaha beeshiisa dowladda ka PDF Print E-mail
Written by dalka1   
Friday, 23 October 2009

Madaxweynaha soomaaliya Shariif shiikh Axmed ayaa olole xoogan ugu jira sidii xil ka qaadis uu ugu sameyn lahaa xubnaha mas'uuliyiinta dowladda ee ka soo jeeda beeshiisa,kuwaasoo uu ku eedeeyay wax qabad la'aan.

Madaxweyne Shariif oo dhowaan ku gacan seyray isku day waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda beeshiisa ku doonayeen inuu kaga laabto xil ka qaadistaas ayaa la sheegayaa in maalmaha soo socda uu bilaabo bandhiga koowaad ee xil ka qaadista.

Inkastoo Madaxweynuhu haatan safar dibada uu ku maqan yahay ayaan la saadaalin karin waqtiga kama dambeysta ee ay dhici dooto xil ka qaadistaas oo ay xataa saameyn doonto safiiro dibadeedyo.

Wareegto aan shaacsaneyn ayaa la sheegayaa in xafiiska madaxweynaha ay taalo,taasoo ah is badalka maamulka gobolka banaadir oo horay madaxweynaha ugu cadeeyay beeshiisa inuu xilka ka qaadayo Mr. Dhagaxtuur Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in wareegto aan wali si official ah loo soo gudbin ay tibaaxeyso in xilka gudoomiyaha gobolka banaadir loo magacaabi doono C/qaadir Nuunow oo lagu naaneyso Eng, Nuune oo ka soo jeeda beesha Xamar iyo daye degta.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Safiirka soomaaliya u fadhiya Kenya Amp. Maxamed Cali Ameeriko isna xilka laga qaadi doono,taasoo bedelka beesha uu ka soo jeedo xil ahaan u heleyso tan gobolka Banaadir oo ay ku andoocoodaan inay xaq u leeyihiin.

Maareeyaha dekeda Muqdisho cabdi Jiinow ayaa qeyb ka noqon doona xil ka qaadis,iyadoo ay ku socoto baaritaan xoog leh oo ku aadan musuq maasuq uu ku sameeyay dhaqaalihii dekedda,waxaana ilo wareedyadani sheegayaan in xil ka qaadista Jiinow ay tahay mid wali ugub ah oo ay ka horeyso su'aalo lagu weydiinayo fadhi golaha wasiirada uu yeelan doono dhowaan,kaasoo uu Jiinow hor imaan doono.

Madaxweyne Shariif ayaa u sheegay beeshiisa inuu meesha ka saarayo qabiilka iyo ni jecleysiga,waxaana uu ku eedeeyay in aanay qaran dooneyn oo ay qabyaalad duleysay, taasoo ay ka caroodeen waxgaradkii beeshiisa oo uu ka mid ahaa Imaamka beelaha hiraab Imaam Maxamuud imaam cumar.

Ka sokow xil ka xayuubinta xubnaha beeshiisa uu ku sameynayo waxaa wehlin doono isku shaandheyn lagu yareynayo Golaha wasiirada saaxada looga saarayo kuwa aan waxqabadka lahayn, taasoo sida qorshuhu yahay ay noqon doonto mid lagu dhimo oo la gaarsiiyo ilaa 18-wasaaradood.

Qorshahaan cusub oo Madaxweynuhu wado ayaa la sheegay in ay dabada ka riicayaan Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Dalkanews.com Muqdisho

Last Updated ( Saturday, 24 October 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...