| Alshabab oo wacad ku martay in dagaalada Muqdisho u rari doonaan Kampala iyo Bujumbura. |
|
|
|
| Written by dalka1 | |
| Friday, 23 October 2009 | |
|
Shiikh Cali maxamed xuseen ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiinta dowladda in ay isaga faraxsan yihiin xasuuqa ay geysanayaan Ciidamada Amisom, dabadeedna ay hambalyo ku aadan dhiig muslimiinta ugu tagayan magaalada Kampaala. "Sidaad la socotaan qolada ridada ah ee sheeganeysa dowladda waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa shacabka muslimiinta ah ee hooyooyinka u badan, markaasey tagayaan Kampaala oo ay ugu hambalyeynayaan"ayuu yiri Shiikh cali maxamed Xuseen. Waxaa uu sheegay in mujaahidiinta ay dhiigooda u bixiyeen sidii shacabka ugu aar-gudi lahaayeen,waxaana uu cadeeyay in sida looga baroorartay magaalada Muqdisho si la mid ah looga barooran doono Bujumbur iyo Kampala. "Waxaa balan ah in sida horay looga baroortay dalalkaas inay u dambeyn doonto, waxaan rajaynaynaa dagaalada maanta ka socda Muqdisho in loo raro magaalooyinka Kambala iyo Bujumbura iyo meelo ka fog fog"ayuu yiri Waaliga wilaayada Shabaab ee gobolka banaadir. Shiikh cali ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka Muqdisho ka socda uu u dhaxeeyo Amisom iyo shacabka soomaaliyed,isagoo tusaale u soo qaatay marka la weeraro in shacabka ay uga aar-gudanayaan dhibaatada la gaarsiiyay. Hadalka Waaliga Shabaab ee Banaadir ayaa ku soo aadaya, xilli shalay duqeyn culus oo ay u geysteen Amisom suuqa bakaaraha ay ku dhamaadeen dad rayid ah kuwaasoo gaaraya ilaa labaatameeyo ruux. Dalkanews.com Muqdisho |
|
| Last Updated ( Saturday, 24 October 2009 ) |
| < Prev | Next > |
|---|
|
||||
|
|||||