|
R/wasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid cali sharmaarke ayaa ku sii jeeda Magaalada London, halkaasoo todobaadka soo socda isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay kaga qeyb geli doonaan shir looga hadlayo Nabada iyo xasiloonida soomaaliya.
R/wasaare cumar c/rashiid oo socdaalkiisa ku wehliyaan Wasiirka qorsheynta qaran C/raxmaan C/Shakuur, Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta C/risaaq Jurile iyo Wasiirka amniga qarank C/laahi maxamed cali sanbaloolshe, ayaa lagu wadaa inuu shirkaasi ka codsado kaalmo loo fidiyo Xukuumadiisa shaqadoodii noqotay safarrada dibedda.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in wafdiga R/wasaraha ay kula kulmi doonaan magaalada London R/wasaaraha Britain Gordon Brown iyo wasiirka arimah dibada Britain David Milliband.
Wafdiga R/wasaaraha ayaa sidoo kale kula kulmi doona dalka Britain jaaliyadaha soomaalida,waxaana la filayaa inay u gudbiyaan siyaasada dowladda iyo sidii loo taageeri lahaa.
R/wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa kaga sii gudbi doona Britain dalka Belgium gaar ahaan Magaalada Brusulles halkaasoo ay kula kulmi doonaan Midowga Yurub oo shir ku yeelanaya todobaadyada soo socda.
Gulufka wafdiga R/wasaaraha ayaa ah sidii ay u dar dar gelin lahaayeen dhaqaalihii bishii April ee kalhore loogu yaboohay dowladda soomaaliya shirkii Burucsales, kaasoo ilaa iyo hada aanay dowladda soo gaarin wax dhaqaale ah, marka laga reebo xoogaa yaq-fureyn ah oo Talyaanigu bixiyey.
Dalkanews.com Muqdisho |