Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo bilaabay inay alaabahooda kala baxaan suuqa.
Paltalk Basic Registration 468x60px
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo bilaabay inay alaabahooda kala baxaan suuqa. PDF Print E-mail
Written by dalka1   
Friday, 23 October 2009

Kadib markii ay joogtowday duqeymaha aan loo meel deyin ee ay ciidamada Amisom ku hayaan suuqa bakaaraha, isla markaana uu qasaare naf iyo maalba isugu jira dhaliyay ayaa Ganacsatada yar yar ee ku dhaqan suuqa waxay bilaabeen in alaabahooda ka daadgureystaan suuqa.

Inkastoo saaka aanay suuqa wax dhaq dhaqaaq ganacsi ka jirin sida caadadana maalin walba oo jimco ah uu yahay mid xiran, ayaa ganacsatada suuqa waxay saaka ku mashquulsan yihiin kala bixida alaabadooda muhiimka ah si aanay ugu baabi'in hantidooda marka la duqeeyo Suuqa.

Mid ka mid ah ganacsatada ku howlan alaabo kala bixidda suuqa ayaa u sheegay warbaahinta in xaalada ay mar walba ku adag tahay, isla markaana qof walba uu maalin walba uu is weydiinayo waxa ku dhici doona.

Bakhaarrada ganacsiga ee lagu iibiyo bagaashka noocyadiisa kala duwan ayaa ah kuwo ugu badan ee laga daad-gureynayo agabyada ganacsi ee yaala, waxaana wehliya dukaamo yar yar oo iyana la arkayay gawaari yar yar oo lagaga daad-gureynayo wixii agab ee lagu iibinayay.

Suuqa Bakaaraha ayaa soo maray marxalado kala daran waxaana suuqa uu bartilmaameed u noqday dhincyada isku haya siyaasada,isla markaana ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay bartilmaameedsadaan.

Xaalada adag ee uu haatan ku sugan yahay Suuqa ayaa waxay tahay mid aanay soo marin xilligii ay Muqdisho joogeen xabashida,hase ahaatee ciidamada Amisom ayaa si naxariis daro ah duqeyn culus ula dhaca suuqa marka la weeraro.

Dalkanews.com Muqdisho

Last Updated ( Saturday, 24 October 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...