| Botaan Ciise Caalin “Artileriga iyo Madaafiicda cul culus Itoobiya ayaa ku baxday ee Uganda iyo Brun |
|
|
|
| Written by dalka1 | |
| Friday, 23 October 2009 | |
|
Isagoo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Muqdisho kadib kulan ilaa 20-xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Hawiye ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid deg deg ah oo xildhibaanada uga arinsanayeen duqeymaha joogtada noqday ee Amisom u geysato goobaha shacabka. Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ay u wakiisheen xildhibaanada ayaa ku tilmaamay weerarkii duqeynta ahaa ee ay shalay Amisom ka geysteen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha in uu ahaa mid lagu gumaaday dadka shacabka ah ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho. Bootaan Ciise Caalin ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM in ay qoryaha Artileriga ah u adeegsanayaan xaafadaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah suuqyada taasoo mabnuuc ka ah meelaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah. Waxaa uu ugu baaqay Dowladda soomaaliya in ay xakameyso duqeymaha iyo madaafiicda culus oo ay ciidamada Amisom ku garaacaan Suuqa Bakaaraha hadii ay jiraan xiriir dhab ah oo kala dhaxeya Amisom sida uu hadalka u dhigay. "Waxaan u sheegeynaa Dowladda hadii uu xiiriir ka dhaxeeyo iyaga iyo Amisom in ay u sheegaan in ay gumaadka joojiso isla markaana ay xakameyso Artileriga lala doonanayo suuqa Bakaaraha iyo meelaha ay ku badan yihiin shacabka, waxaa la yaab leh qori mortar ah oo cabirkiisu yar yahay ayaa lagu ridayaa markaasey ku jawaabayaan qori culus oo aanan loo adkeysan karin, madaxtooyada waxaan ugu baaqeynaa in aysan noqon meel dadka lagu laayo waxaan ku naqaanaa madaxtooyo meel dadka loogaga taliyo"ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Bootaan Ciise Caali. Mr Bootaan ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay samraan gaar ahaan shacabka reer Muqdisho isaga oo dhibta heystana ku sifeeyey mid rabaani ah. “Uganda iyo Brundi waxaan u sheegeynaa in Itoobiya ay ku baxday Artileriga iyo madaafiicda cul culus ay shacabka ku gumaadayeen, sidaas darteed ha joojiyaan”ayuu si calaamad su’aal ku jirta ugu sheegay, waxaana uu muujiyay sida shacabka uga dhiidhiyeen gumaadkii xabashida shacabka ku hayeen. Xildhibaanadan ka tirsan baarlamaanka kuwooda ka soo jeeda beelaha hawiye ayaa si damqasho ku jirta u muujiyay gumaadka cusub ee Amisom bilowday, kaasoo ay kaga dayaneyso ciidamadii xabashida ee soo duulay, kuwaasoo aan horay u kala soocin shacabka birimigeydada. Dalkanews.com Muqdisho |
|
| Last Updated ( Saturday, 24 October 2009 ) |
| < Prev | Next > |
|---|
|
||||
|
|||||