Dalkanews Videos

  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Decrease font size
  • Default font size
  • Increase font size
You are here: Home arrow News arrow Dowladda Eritrea oo Jabuuti ku eedeysay in ay farageliso Soomaaliya, Xilli Aduunku Cunaqabatey Eritr
Paltalk Basic Registration 468x60px
Dowladda Eritrea oo Jabuuti ku eedeysay in ay farageliso Soomaaliya, Xilli Aduunku Cunaqabatey Eritr PDF Print E-mail
Written by dalka1   
Thursday, 22 October 2009

Madaxweynaha Dowladda Eritrea Isaias Afewerki ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladaha deriska la ah soomaaliya, gaar ahaan dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya in ay dab ku sii shidayaan qalalaasaha ka taagan Soomaaliya.

Isaias Afewerki ayaa sheegay in dowladaha jaarka la ah soomaaliya ay fara gelin qaawan ku hayaan dalka ay colaaduhu la dageen ee soomaaliya, isagoo u jeediyay in ay faraha kala baxaan oo soomaalida u daayaan masiirkooda.

Madaxweyne Eritrea Isaias Afewerki oo la hadlayay wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay mas'uulka ka tahay dhibaatada ka jirta soomaaliya, isagoo sheegay in ay ugu soo gambaneyso hal ku dhigyo qalafsan oo ah in ay joogto argagixiso iyo Al-Qaacida.

Dowladda Jabuuti ayaa si kulul u beenisey eedeymaha ka soo yeeray Erirea, waxaana ay sheegtay Jabuuti in Wadanka Erirea ay iyagu yihiin kuwa taageera kooxaha mayalka adag ee duminaya qaranimada Soomaaliya isla markaasna dagaalka kula jira dowladda sharciga ah ee Soomaaliya.

"Ma ahan wax lala yaabo in Eritarea ay wax dhaleeceyso, waa dhaqanka hogaanka wadankaasi, waxaana lagu maldahayaan gacmaha uu hogganka Eritarea kula jiro arrimaha Soomaaliya oo la wada ogyahay" ayuu yiri Safiirka Jabuuti u fadhiya Mareykanka.

QM, ayaa waxay dowladda Eritrea ku eedeysay in taageero dhaqaale oo isugu jirta hub iyo Cash siiso kooxaha mayalka adag ee Soomaaliya ka dagaallama, iyadoo dhaqaalahaasina lagu sheegay ilaa Nus Malyuun dollar.

Dowladda Eritrea ayaa dhowaan lagu eedeeyay in ay hubeyneyso kooxaha mucaaradka ku ah dowladda soomaaliya, isla markaana ay bar baarineyso, waxaana golaha amaanka qaramada midoobey iyo Mareykankaba u jeediyeen digniin culus.

Laakiin Dowladda Britain ayaa ku soo biirtay dadaalka loogu jiro in Eritrea la saaro cunaqabateyn hadii ay joojin weyso fara gelinta iyo taageerada kooxaha mucaaradka.
Eritrea ayaa had iyo jeer eedeyntaas beenisa,iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

Dalkanews.com Muqdisho

Last Updated ( Saturday, 24 October 2009 )
 
< Prev   Next >

Money making becomes fun when you write about your area of interest and help others learn more about that area of interest and make yourself some money online at the same time. Below are some simple ways that people have used to make money online from their hobbies and areas of interest

Read more...
 

How to buy domain name that people will remember? What comes with a web site?
 Services such as domain name registration and web hosting are seperate but often bundled together. It is like buying a car and an insurance in the same car lot, in that if you buy domain name, you're often upsold to buy web hosting. Similarly, web hosting companies often guide you to purchasing a domain name for their web hosting service you get. It is like getting the tea for your water and sugar to make real good tea.
Read more...