|
Madaxweynaha soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka degay Kampala |
|
|
|
|
Written by dalka1
|
|
Thursday, 22 October 2009 |
|
Madaxweynaha dowladda soomaaliya Shariif shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu ka furmayo shir madaxeedka Midowga afrika ee looga hadlayo qaxootiga iyo dadka barakacay ee qaarada Afrika.
Wafdiga Madaxweynaha oo saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shir madaxeedka midowga afrika ee looga hadlayo qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana madaxweynaha xilligii uu ka soo duulayay magaalada Muqdisho ka dhacay duqeyn sababtay dhimasho fara badan.
Sida ay wararku sheegayaan wafdiga madaxweyne Shariif waxaa ku wehliya Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Shiikh yuusuf siyaad Indhacade iyo wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Saleebaan colaad rooble.
Madaxweyne Shariif ayaa gelinka dambe ee maanta qudbad ka jeedin doona kulankaas oo ah mid diirada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo dadka barakacay oo soomaaliya ay qeyb ka tahay, taasoo ay ku barakaceen dadka badan ilaa 2-milyan oo ruux.
Dhinaca kale R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid cali sharmaarke ayaa la filayaa inuu goor dhow ka dhoofo magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Kenya, safarada labada mas'uul ayaa la sheegay inay ku tagi doonaan dhowr dal oo ka tirsan caalamka.
Dalkanews.com Muqdisho |
|
Last Updated ( Saturday, 24 October 2009 )
|