Toban gabdhood oo suxufiyiin ah ayaa magaalada Baydhabo loogu soo gabogabeeyaya Seminar sedex maalin soconayay. (DAAWO SAWIRADA)
Seminaarkan ayaa waxaa lagu baranayay waxyaabaha aasaaaska u ah saxaafada ama Code of Conduct oo ay ka mid ahayeen ka shaqeynta run, ahaanshaha dhexdhexaad, xishmeynta bulshada aad ka shaqeynayso, yareynta dhibaatoyinka iyo qodobo kale oo aad muhiim u ah iyo wadada loo marayo, suxufiyiintii ka qeybgalay tawabar aya ka kala yimaadeen gobollada Bay, Bakool iyo Geddo.
.
Xiritaanka seminaarka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha golaha aqoonyahanada iyo waxgaradka Digil iyo Mirifle waxa uuna hoosta ka xariiqey in ay aad muhiim u tahay sara u qaadista awooda aqooneed ee gabddhaha saxaafada ku jira gaarahaan kuwa Koonfur Galbeed Somalia isagoona amaan balaaran u soo jeediyay dadaalka Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (SOMWA).
Dr Maxamed Cali Kalaay gudoomiyaha Jamacada Baidao University oo isn ahadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa tibaaxay in SOMWA aysan ahayn markii ugu horeysay ay u qabato suxufiyiinta gaarahaan haweenka parnaamijyo kor loogu qaadayo xirfadooda ( waxaan aad ugu faraxsanahay tirada sii kordhaysa gabdhaha saxaafada iyo awooda ay u yeelanayaan qabashada parnaamijyada tayada leh ayuu yiri Kalaay.
Dhinaca kale gudoomiyahay Somali Media Women Association (SOMWA) oo idna la soo xiriirtay shabakada Xasuus ayaa tilmaantay in aad iyo aad ugu mahadcelinayso Hayada International Research and Exchange Board oo suurageliyay qabashada workshopkan iyadoona tibaaxday in SOMWA ay tahay Urur Haween Suxufiyiin oo ku bahoobay qaarka mid gabdhaha suxufiyiinta fadhigiisuna yahay Magaalada Baidoa.
Ma ahan markii ugu horeeyay ee Somali Media Women Association (SOMWA) uu qabto seminar ceynkan oo kale ah, waxaana ururku lagu yaqaana ka shaqeynta amuuraha haweenka gaarahaan kuwa saxaafada ku jira.
Cabdullaahi Cabdi Cabdulle
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
      |